Israa’iil ayaa weli weerar ku ah guryaha iyo iskuullada ku yaalla marinka Qaza, iyadoo ay dil iyo dhaawac u geysatay dhowr qof hal maalin uun kaddib markii tobaneeyo qof lagu xasuuqay weerar ay ku qaadeen xerada Nuseirat.
Weerarkii subaxnimadii Sabtidii ayaa lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan qoyska Saadallah gurigooda oo ku yaal Jabalia, laba qof oo ku sugnaa iskuul ku yaal waqooyi bari ee magaalada Gaza iyo hal qof oo gabaad ku ah teendho ku taal koonfurta Khan Younis, wakaalada wararka Falastiin ee Wafa ayaa sheegtay.
Falastiiniyiinta oo cambaareeyey weerar ‘waxshinimo’ ah oo Israa’iil ay ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee Gaza Sawirro: Israa’iil ayaa tobanaan qof ku dishay xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza
Isla maalintaas, millatarigu waxa ay dileen todobo qof weerar ay ku qaadeen dugsiga Al-Majida Wasila ee ku yaalla waqooyiga Al-Rimal ee galbeedka magaalada Gaza, sida uu sheegay Wafa.
Wakaalladda Wararka ayaa sidoo kale sheegtay in Diyaarad Drone ah ay weerar ku qaaday dad rayid ah oo ku sugnaa Isgooyska Jalaa ee Waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza, kaasi oo ay ku geeriyootay hal qof oo dumar ah, tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Qof kale oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday galbeedka xerada Al-Nuseirat.
Shan kale oo muwaadiniin ah ayaa ku dhaawacmay weerar ay diyaarad Drone ah ku qaaday deegaanka Al-Mawasi ee galbeedka magaalada Rafah.