Boqolaal falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa’iil ayaa gaaray cisbitaalka Yurub ee ku yaalla Qaza, xilli Israa’iil ay billaabayso sii deynta 642-ka maxaabiis falastiiniyiinta ah ee haray oo la qorsheeyay
in lagu sii daayo wejiga koowaad ee heshiiska xabbad joojinta.
Muuqaallo qiiro leh oo ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto iyadoo daraasiin maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsi daa’im iyo xukunno dhaadheer ay dib ula midoobayaan qoysaskooda. Israa’iil waxay Masar u masaafuriyeen 97 kale.