Ciidamada Israel ayaa weeraro dheeraad ah ku qaaday Gaza, iyagoo labo Falastiiniyiin ah ku dilay Rafah, iyadoo xukuumadda Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ay iska diiday baaqyada caalamiga ah ee lagu joojinayo go’doominta Marinka.
Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa taageeray hindise ay Masar hormuudka ka tahay oo ku saabsan dib u dhiska Gaza kaas oo ka soo horjeeda soo jeedinta Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah in uu la wareego oo Marinka loo rogo “Riviera Bariga Dhexe”.