March 14, 2025

ITOOBIYAAN kumanaan askari ah oo ku soo wajahan dagaalka Sh/Dhexe

58 / 100

Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ayaa kumanaan askari ku daabulay magaalada xuduudda ku taalla ee Feerfeer, ayaga oo ku soo wajahan si ay uga qeyb qaataan howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya.

Daabulaadda ciidamadan ayaa timid maalmo un kaddib markii diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeeyeen bartilmaameedyo Al-Shabaab oo ku yaalla Shabeellaha Dhexe, sida uu Khamiistii xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Wasiirka, oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliya (SNTV), ayaa sheegay in duqeymaha ay Itoobiya ka fulisay Soomaaliya ay heleen oggolaansho rasmi ah oo ka yimid dowladda federaalka, taasoo muujineysa iskaashi dhow oo dhanka amniga ah oo ka dhaxeeya Muqdisho iyo Addis Ababa. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan bixin faahfaahin la xiriirta khasaaraha ama burburka ay geysteen duqeymahaas.

“Ma suurtagalayso in duqeyn laga fuliyo gudaha Soomaaliya iyadoo aan dowladda la ogeysiin,” ayuu yiri Wasiir Jaamac, isagoo adkeeyay xiriirka dhow ee militari ee labada dal.

Duqeymahan ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada Al-Shabaab, iyadoo dhowaan ay beegsatay saldhigyada militari ee Soomaaliya iyo goobo rayid ah oo ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaanka iyo saaxiibbada caalamiga ah, ayaa ku howlan dagaallo dib u xoreyn ah oo lagu doonayo in dib loogu la wareego dhul ay horey u maamulayeen Al-Shabaab.

Hawlgalka militari ee Itoobiya ayaa daba socda heshiis iskaashi oo dhanka amniga ah oo ay labada dal gaareen, kaasoo si gaar ah diiradda u saaraya la-dagaallanka Al-Shabaab. Wasiir Jaamac ayaa xusay in iskaashiga militari ee labada dal uu ku saleysan yahay heshiiskii Ankara, kaasoo hagaya wada-shaqeynta amni ee Addis Ababa iyo Muqdisho.

Bishii hore, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiis u oggolaanaya ciidanka ENDF in ay ka howlgalan gudaha Soomaaliya iyagoo ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Iskaashigan amni ee dib loo cusbooneysiiyay ayaa yimid kaddib markii xiriirka labada dal uu soo hagaagay, ka dib khilaaf sannad socday oo salka ku hayay heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya ay la gashay Somaliland ee la xiriiray marin badeed helista.

Iskaashigan cusub ee militari wuxuu muujinayaa isbeddel istiraatiiji ah oo ay labada dal sameynayaan si ay u xakameeyaan dib usoo kabashada Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya.

Keenista ciidanka Itoobiya ee Feerfeer iyo duqeymihii ugu dambeeyay waxay muujinayaan mowqifka adag ee Itoobiya ay ka qaadaneyso sidii ay uga hortagi lahayd in saameynta Al-Shabaab ay u gudubto gudaha dhulkeeda