Jabuuti oo Hawlgal Samatabixin ka Wada Xeebaheeda kadib Doon Rogmatay
Doon la sheegay in ay la socdeen dad gaaraya 300 oo ruux oo Tahriibayaal ah ayaa ku rogmatay xeebaha Jamhuuriyadda Jabuuti, ugu yaraan 9 qof ayaa dhimatay halka la waayay tobanneeyo kale sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan Dalkaas.
Waxaa socda howlgalka lagu raadinayo Dadka la waayay iyada oo ay iska kaashanayaan Ciidamada ilaalada Xeebaha Jabuuti iyo howlwadeenno katirsan hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM si loo helo dadkaas la la’ yahay.
Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in ay jiraan Dad lasoo badbaadiyay inkasta oo aan la shaacin tiro rasmi ah, waxaa la geeyay mid kamid ah xarumaha ciidanka Badda Jamhuuriyadda Jabuuti si loo baxnaaniyo kaddibna loo waraysto.
Xubno katirsan ciidamada loo garanayo quusaayaasha ayaa loo diray gunta hoose ee Badda si ay u raadiyaan Dadkaan oo nolol iyo geeri lagu la’ yahay, Xeebaha ay ku caarin karaan ayaa la geeyay Kooxo samafalayaal ah si ay u raadiyaan.
Dadkaan ayaa la sheegay in ay u dhasheen Dalka Itoobiya kuwaas oo damacsanaa in ay u tahriibaan Yemen oo qaarkood degi lahaayeen halka qaarka kale ay uga sii gudbi lahaayeen Boqortooyada Sacuudi Carabiya sida xogaha la helayo ay muujinayaan.
Dagaallada Sokeeye iyo shaqo la’aanta ka jirta Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa sababtay in boqollaal Dhallinyaro ah ay naftooda ku biimeeyaan Badda Cas iyaga oo aaminsan in ay ka horrayso
