JABUUTI Oo Heshay Tallaalka Coronavirus

0
204

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Jabuuti ayaa sheegtay in tallaalkii ugu horreeyey oo lagaga hortagayo coronavirus uu shalay gaadhay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Tallaalkan oo uu qofka laba mar qaadan doono ayay wasaaraddu sheegtay in lagu billaabayo shaqaalaha caafimaadka ee halista ugu jira qaaditaanka cudurkaasi iyo bukaannada kale ee u nugul inay cudurka qaadaan oo ah dadka la nool cudurrada kale isla markaana da’doodu ay ka weyntahay 50 jir .

Talllaalkan ayay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay dalka Shiinaha .

Wasiirka caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye, ayaa BBC-da u sheegay in Jabuuti ay aad u sugeysay tallaalka.

“Tallaalkan waan sugeynay, intan waa intii ugu horreysay oo lagu howlgeli doono oo lagu bilaabi doono dadka aad ugu sii baahan oo ah dadka ka shaqeeya wasaaradda caafimaadka, iyo dadka da’da ah,” ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa sheegay in xidhmooyinka haatan soo gaadhay ay yihiin kuwo lagu sii bilaabayo dadka aadka ugu baahan, isla markaan bishan dhexdeeda ay sugayaan ilaa 300,000 oo xidhmo ah oo ay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay Shiinaha.

Jabuuti ayaa qorsheyneysa in la tallaalo 715,000 oo qof.

Wuxuu wasiirku intaas ku daray in sidoo kale dalkaas uu soo gaadhay tallaalka bilaashka ah ee ay heleen qara ka mid ah dalalka Afrika.

Jabuuti ayaa sheegtay in xilligan ayna dalkaas ka jirin khatar sare oo xanuunka ah, isla markaana la xakameynayo.

Waxay ka mid noqoneysaa dalalka ku yaalla Afrika ee helay tallaalka coronavirus. dalalka Kenya iyo Rwanda ayaa iyaguna ay soo gaadhay xidhmooyinkii ugu horreeyay ee tallaalka xanuunka.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here