IMG C7C5EC 818E5C AC99AB C0BD58 B6C05C 92E620 - Wardeeq news

Alle ha naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyootay Jawaahir Axmed Cilmi oo katirsaneed Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya, gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare.

Marxuum Jawaahir ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsaneed, waxaana geerideeda ka tacsiyeeyay madax kala duwan.

Allaha u naxariiste waxay kasoo mid noqotay Golihii hore ee Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxayna aheyd Senator fir-fircoon oo laga soo doorto maamulka Galmudug.

Jawaahir ayaa waxaa lagu xasuusta doorkii ay ka qaadatay dib-u-dhiska maamulka Galmudug iyo dadaaladii nabadeed ee lagu joojinayay colaado ka socday maamulkaas.

Verified by MonsterInsights