Dowladda kenya ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in xubno badan oo la tuhunsayahay in ay ka tirsanyihiin al-shabaab ay miino kula qaraxday qeybo ka mid ah xuduudka ay wadaagaan soomaaliya iyo kenya
Masuul u hadlay ciidamada Difaaca kenya ayaa waxa uu xaqiijiayay in gaari ay lasocdeen xubno ka tirsan al-shabaab ay la kacday miino nuuca dhulka lagu aaso oo ay galiyeen koox kale oo al-shabaab ka tirsan
Afhayeenka Ciidamada Difaac kenya Esther Wanjiku oo la hadalay wargeyska nation ee kasoo baxa dalkaasi kenya ayaa waxa uu sheegay in ay ogaadeen in xubno badan oo ka tirsan al-shabaab ay ku dhinteen miino dhulka la galiyay oo haleeshay gaari ay saaraanyeen
Waxaana uu sheegay in Gabi,aahaanba xubnihii gaariga saarnaa ay ku gubteen gaariga markii uu qarxay isagoo intaasi raaciyay in muhiim ay u tahay jabka cadawgooda
Waxaan xaqiijin karaa inay dhinteen 15 ka tirsan Al-Shabaab. Waxay ahaayeen laba kooxood. Mid ka mid ah kooxaha ayaa wadada dhigay miino si ay ula eegtaan balse kooxda labaad oo aan ka warqabin miinada wadada ku jirta si ay u maraan way garan waayeen wadadii, Gaarigii ay wateen ayaa dul maray oo qarxay. Dhammaan 15 -kii saarnaa gaariga way dhinteen, ”ayuu yiri Col Wanjiku.
ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dagaalamayaasha al-shabaab oo looga hadalayo warkasoo yeeray dowladda kenya ee ku aadan in qarax ay ku dhinteen xubno badan oo ka tirsan al-shabaaab