Go - Wardeeq news

Xaalada kacsan ee Koonfur Galbeed ayaa u muuqata in haatan ay yeelatay weji cusub, waxaana soo baxay khilaaf horleh oo ka dhex-qarxay xildhibaannada kasoo jeeda deegaannada maamulaas ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle ayaa maanta bannaanka usoo baxay kadib markii Khilaafka oo kusii jeeday magaalada Baydhaba lagu celiyay garoonka magaalada Muqdisho.

Arrintan ayay si weyn ugu kala qayb-sameen xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, waxaana qaarkood ay kasoo horjeesteen in la hor istaago Xildhibaan Sareedo, halka kuwa kalena ay soo dhaweeyeen in laga celiyo

magaalada Baydhaba oo ay saaka kusii jeedday. Isla Markaana saraakiisha amniga garoonka ay is hortaag ku sameeyeen, kana reebeen dyaaradda. Sareedo oo qudheeda la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in lagu xagdubay. Iga reebay dad aan sharci aqoonin ayaa saaka iga

Verified by MonsterInsights