Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.
Dagaalka oo Maanta markale ka dhacay Guriceel ayaa waxaa ku dhintay Saraakiil iyo askar ka kala tirsan labada dhinac, waxaan dadka ku dhintay kamid ah Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Garoonka Guriceel Cabduqaadir Maxamed Diiriye iyo askar kale.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaafiic ay ku dhacday Isbitaalka Istarliin ee degmadda Guriceel, isla markaana taasi sababtay in Shaqaalaha Isbitaalka ay naftooda uga baxsadaan.
Isbitaalka Istarliin ayaa ku yaala Wadada isku xirta Schoolka Al Ma’muun iyo Jaamacadda ee dhanka Waqooyi berri degmadda Guriceel.
Dhinacyada ku dagaalamay Guriceel ayaa helaya Gurmadyo kala duwan, waxaana la sheegayaa in markale uu dhici karo dagaal xoogan oo dhexmara Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna.