Khilaaf ayaa ka taagan qabashada doorashada duqa degmada Eyl ee gobolka Nugaal

0
176

Khilaaf ayaa ka taagan qabashada doorashada duqa degmada Eyl ee gobolka Nugaal, taasi oo goleheeda deegaanka lagu doortay qof iyo cod, bishii October sannadkii hore.

Urur-siyaasadeedka Horseed ayaa ka horyimid qabashada doorashadaasi, sida ay ii xaqiijiyeen ilo-wargal ah.

Urur-siyaasadeedka Horseed oo uu hoggaamiyo Senator Faroole ayaa laba xildhibaan ka heley 27-ka qof ee Golaha Deegaanka Eyl, 13 kamid ah waxaa la soo baxay ururka xukuumadda er Kaah oo iyagu isku wada in ay hantaan duqa degmada Eyl.

Doorashada Guddoonka Eyl ayaa dhawaan loo muddeeyey 27-ka bishan [Khamiista], hase yeeshee lama oga in khilaaf kani uu dib u dhac kale ku keeni karo shaqada Golayaasha qof iyo codka lagu doortay ee Eyl, Ufayn iyo Qardho oo ku dhawaad saddex bilood dooran.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here