Koonfur Galbeed oo Si Adag uga Hadashay Doorasho lagu Qabanayo Baraawe”
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Dr. Cali Saciid Fiqi, ayaa si adag uga digay tallaabooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorasho lagu qabto magaalada Barawe, isagoo sheegay in arrintani ay halis weyn ku tahay xasiloonida gobolka.
Dr. Fiqi ayaa bartiisa X kusoo qoray qormo oo arintaan kaga hadlaayo, waxaana uu sheegay in Barawe aanay marnaba u shaqeyn sida caasimad, mana jirto kulan baarlamaanka ah oo halkaas lagu qabtay, mana jirto kulan golaha wasiirrada ah oo magaalada ka dhacay.
Sida uu tilmaamay, awooda dhabta ah ee maamul iyo go’aan qaadasho waxay ku sugnaayeen magaalada Baydhabo, halkaas oo baarlamaanka iyo hay’adaha fulinta ay ku shaqeeyaan.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan ugu riixeysaa doorasho lagu qabto Barawe, taas oo aan la aqbali karin isla markaana ah talaabo halis ah, Ciidamada Dowladda Federaalka ee la geeyay magaalada waxay muujinayaan in arrintani aysan ku saabsanayn heshiis ama sharci, balse tahay in xoog lagu soo rogo qorshe siyaasadeed,” ayuu yiri Dr. Fiqi.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa intaas ku daray in ciidamada maamulkiisu ay haatan yihiin kuwo diyaar u ah difaaca deegaanka, islamarkaana halista isku dhaca ay hadda tahay mid dhab ah oo aan la saadaalin karin.
Dr. Fiqi ayaa ugu digay Dowladda Federaalka in kicin kasta oo lagu sameeyo Barawe uu yahay qalad weyn, isla markaana khilaaf kasta oo ka dhasha uu mas’uuliyadda si buuxda u qaadi doonto Dowladda Federaalka.
“Haddii xiisaddu ay isu beddesho dagaal, mas’uuliyadda waxaa si toos ah u leh Dowladda Federaalka, mana ahan dano shakhsi ama mid shacabka Soomaaliyeed,” ayuu ku yiri hadalkiisa.

