download 25 - Wardeeq news

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar laba qarax oo ismiidaamin ah Talaadadii ka dhacay caasimadda Uganda ee Kampala, kaasoo ay ku dhinteen saddex qof, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

booliska dalka ugandha ayaa sheegay dhawaan in ay fashiliyeen qaraxa sadaxaad oo ay damacsanaayeen in  ay kooxdu ay ka fuliyaan bartamaha kampala balse ay ka hortageen ciidamada booliiska

iyagoona ka soo saaray walxaha qarxa oo laga soo buuxiyay guriga qof la sheegay inuu is-miidaamiyay oo rasaas lagu furay laguna dhaawacay, kuna daba jireen xubno kale oo kooxda ka tirsan, booliska.

Afhayeen u hadlay Booliska Uganda ayaa ku eedeeyay “koox argagixiso gudaha ah” oo xiriir la leh Allqacid Democratic Forces oo loo soo gaabiyo (ADF) weerarradaas, oo ah ciidan hubeysan oo ka hawlgala bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Marar badana weeraro ka geesta bartamaha kampala Balse Daacish ay haatanba sheegatay qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay bartamaha kampala

Dowlada ugandha ayaan wali ka hadlin sheegashada qaraxyadii kampala ee daacish maadaama booliska aynan ku tuhmeen weraradaasi ayna kooxo kale dhabarka u saarisay haatan

Verified by MonsterInsights