March 15, 2025

Kuma andoos laga keenay Kismaayo oo ku sii jeeda furimaha Gobolka Shabellaha Dhexe.

60 / 100

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab ka soo qaaday Magaalada Kismaayo, si loo xoojiyo furinta ka furan Gobolka Shabellaha Dhexe.

 

Ciidamadan ayaa la sheegaya in Axaddii diyaarado looga soo qaaday Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaaladaasi, isla-markaana ay ku wajahan yihiin furimaha hore ee Hirshabelle.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan lagu abaabulay xerada ay ku leeyihiin agagaarka Garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, ka hor inta aysan ka soo ambabixin garoonkaasi.

 

Kumaandooska Danab oo Mareykanka uu tababaro ayaa duleedka Kismaayo ku leh saldhig laga hoggaamiyo hawlgalada laga fuliyo deegaanada Jubbaland.

 

Saraakiisha Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka ayaa la fahamsan yahay in Militariga Mareykanka ee dalka ku sugan ay kala shaqeeyaan weerarada xagga cirka ee lagu bartilmaameedsado horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

 

Danab waa ciidan dhinaca dhulka oo loo carbiyay la dagaalanka Al Shabaab, waana mid ka mid ah ciidamada ay maanta Somaliya leedahay ee u diyaarsan ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah.

 

Muqdisho ayaa ah xudunta goobaha lagu diyaarinayo ciidamada faraha badan ee ku sii qulqulaya aagagga dagaalka ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

 

Abaabulka iyo diyaargarowgan ciidan ayaa lagu doonayaa in lagu soo geba-gabeeyo Shabaabka ka hawlgala deegaanada Hirshabelle, sida ay saraakiishu ku xog waramayaan.

 

Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kuu sheegaya in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in Shabaab laga ciribtiro guud ahaanba Hirshabelle.

 

Dowladda ayaa ciidan xoog leh u daabuleysa Gobolka Shabellaha Dhexe, si aanu u joogsan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ee ka bilowday Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, ka hor inta aysan Shabaabku isku soo fidin Shabellaha Dhexe.

 

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku hanjabay inaysan ogolaan doonin in Shabaabku ay gabaad ka dhigtaan dhulka Hirshabelle.

 

Madaxweynaha oo Axaddii ciidamada kula hadlay jiidda hore ayaa sheegay in dagaalka ay Shabaabka kula jiraan uu yahay mid xaq u dirir ah, isla-markaana ay ku difaacanayaan naftooda, maalkooda iyo weliba sharafkooda.