maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay saddex shabakadood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ay ku jirto shabakaddii Sakawaadka kooxda Al-Shabaab.
Dhammaan shabakadahan ayaa dhowaan ka soo muuqan doona maxkamad sida ay sheegeen Laamaha Amniga Gobolka Bari.
Laamaha Amniga ayaa sidoo kale maxkamadda Ciidamada hor-geeyay shabakad ku eedaysan Al-shabaabnimo kuwaas oo lagu wado in maanta ay maxkamaddu bilaawdo dhagaysiga dacwada lagu soo edeeyay.
Maamulka Puntland ayaa kamid ah maamulada sida aadka ah uga hortago dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab, iyagoona marar badan soo bandhigay rag ay ku edeeyen in ay ka tirsanyihiin Daacish iyo kooxda Al-Shabaab.