alpha group - Wardeeq news

Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya  ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga galmudug howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay sidoo kale gacanta ku dhigeen qalab ay wateen Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo in muddo ah ay ku raad joogeen

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda ilaa iyo inta laga xaaiijinayo Amniga Guud ee Magaalada Gaalkacyo oo mararka qaar ay falal amni darro ka geystaan Ururka Al-Shabaab.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay wada Maamulaan Galmudug iyo Puntland  ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro iyo qaraxyo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Galmudug iyo Puntland.

Verified by MonsterInsights