m 1 - Wardeeq news

Taliska Ciidamada Booliiska iyo Nabadsugidda Degmadda Hawl wadaag ee Gobolkan Banaadir oo wehlinayeen Ciidamada jagboontiyada guur guura ee Booliska ayaa hawlgal lagu xaqiijinayo Amniga degmadda ka sameeyay xaafadaha ay ka kooban tahay Degmadaas.

Howlgalka oo uu horkacayay taliyaha Ciidamada Booliska degmada Howlwadaag ayaa Cidamada waxaa ay ku baarayeen guryaha kuyaalla inta badan Xaafadaha degmada Howl-wadaag, iyada oo howlgalka lagu qabtay Boqolaal Dhalinyaro ah.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga degmada kadib markii maalmihii la soo dhaafay xaafado ka tirsan Muqdisho ay kusoo bateen rag burcad ah oo dadka shacabka ah dhac u geysanaya.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Howlwadaag Najiib Carab oo goob fagaaro ah kula hadlayay dhalinyaro howlgalka lagu soo qabqabtay ayaa ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada Booliska ay diyaar u yihiin sugida Amniga dhamaan Xaafadaha degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, wuxuuna ka codsaday Shacabka inay Ciidamada la soo xiriiraan hadii ay arkaan waxyaabo liddi ku ah Amniga.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa degmooyinka qaar ee Gobolkan Banaadir waxaa laga sameeynayay howlgallo isdaba-joog ah kadib markii ay soo bateen kooxaha dadka dhaca u geeysanaya mararka qaarna dilaya.

Verified by MonsterInsights