Guddomiyaha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud oo war qoraal ah soo saaray ayaa waxa ka hadalay xaalada aminidaro ee kasoo korortay degmada
waxaana uu sheegay in mid ka mid ah maamul goboleedyada dalka ay colaad iyo qalqal amni ka abuureyso Degmada caabud waaq
Guddoomiyaha Degmada caabudwaaq Faarax cabdule xasan ayaa shaaca ka qaaday in maamulka puntland uu falal amnidaro ka dhexwado degmada caabud waaq
Qoraalka halkaan hoose ka akhrisoÂ
Amniga magaalada Caabudwaaq faraha ayuu ka sii baxayaa maalmahaan, waxaa maagalada dhexdeeda lagu aruurinayaa Ciidamo kala duwan oo aan ka amar qaadan Dawlada Galmudug iyo midda dhexe toona.
Ciidamada magaalada dhexdeeda lagu aruurshay ayaa iskugu jira kuwo hab qabiil u abaabulan iyo kuwo qaab jamhadeed u abaabulan, garabna ka helaya Dawlad Gobaled ka Puntland oo ku hawlan amni daro iyo qalqal galinta qaara kamida Dagmooyinka Dawlada Galmudug.
Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeen-ka Galmudug waxaan ka codsaneynaa inney Magaalada Caabudwaaq soo diraan ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga iyo xasillooni magaalada.