sanyare 2 768x512 1 - Wardeeq news

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa war ka soo saaray iska hor-imaad khasaare gaystay oo xaleey ka dhacay Gaalkacyo.

”Waxaan ka xumahay waxii xaley ka dhacay Magaalada Gaalkacyo,  Waxaan alle naxariistii jano uga baryayaa askarigii  ku geeriyooday Falkaasi sidoo kale Waxaan Caafimaad taama urajaynayaa iyo in alle ubooga dhayo Saraakiishii, Shacabkii iyo Askartii ku dhaawacantay Falkasi” ayuu yiri Sanyare.

Guddoomiyaha ayaa dhacdadaas ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku sugnaa Guriga Iska hor-imaadku ka dhacay.

“Waxaan rabaa inaan ucadeeyo Bulshada Soomaaliyeed iyo Shacabka Puntland falkii dhacay xaley masuuliyadeeda waxaa iska leh Wasiirka Arimaha Dibada DFS Cabdi siciid Muuse oo Magaalda Gaalkacyo uyimid ka mira dhalinta siyaasad ma dhalays ah iyo khal-khal galinta Amniga Guud ee Magaalada Gaalkacyo”

Verified by MonsterInsights