Friday, November 22, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Madaxeyne Lafta-gareen oo diiday muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo

0
233

Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeysay Go’aankii ay muddo kordhinta ka qaateen Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo taageerada uu muujiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, iyagoona caddeeyay inay taageersan yihiin Go’aankaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka ayaa lagu sheegay inay ka go’an tahay in dalka la badbaadiyo, isla markaana la qabto doorasho Deg-deg ah oo heshiis lagu wada yahay, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara qalalaaso siyaasadeed.

Maamulka Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa caddeeyay inay diyaar u yihiin fulinta heshiiskii 17-kii September laga gaaray doorashada, kaasi oo markii dambe la isku qabsaday fulintiisa.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa horey u taageeray  Go’aankii Galmudug, Hirshabeelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta uga soo horjeesteen muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Koonfur Galbeed.

War 1 - Wardeeq news

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here