putin war russia ukraine GettyImages 1238593932 - Wardeeq news

Khudbad uu saaka aroortii 05:55 waqtiga Moscow (02:55 GMT), uu Mr Putin ka jeediyay taleefishinka ayuu ku dhawaaqay “howlgal milateri” oo laga fulinayo gobolka ku yaal bariga dalkaasi ee Donbas. Halkaas waxaa deggan dad badan oo u dhashay waddanka Ukraine oo ku hadla luuqadda Ruushka.

Qeyba ka mid ah dalkaasi ayey hore u qabsadeen oo ay maamulayeen fallaagada uu Ruushku baritaaro tan iyo 2014-kii.

Mr Putin ayaa sheegay in Ruushku uu dalkaasi u faragelinayo si uu naftiisa u difaaco.

Ruushka ma doonayo inuu qabsado Ukraine, ayuu yiri Putin, hasayeeshee uu hubka ka dhigi doono Nazi-nimada ka saari doono dalkaasi.

Waxa uu ugu baaqay ciidammada Ukraine ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka inay hubkooda dhigaan oo ay guryaha aadaan, hasayeeshee waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay aheyd in la iskudhacaayo laakiin “waxa ay su’aasha ka taagnayd waqtiga uun”.

Waxa uuna intaasi ku daray in faragelinta quwadaha dibadda ee la doonayo lagu difaaco weerrarka Ruushka lagala hortegi doono jawaab “degdeg ah oo adag”.

Verified by MonsterInsights