lafta - Wardeeq news

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maanta waxaa uu xilalkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Bakool & kuxigeenkiisa Amniga, isaga oo sidoo kale Maamul Cusub u Magacaabay Gobolada Baay & Bakool.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in markii uu arkay talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed uu Guddoomiyaha Gobolka Baay u Magacaabay in uu noqdo Cabdifitaax Maxamed Ibraahim.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed iyo kuxigeenkiisa dhanka Amniga & Siyaasadda, wuxuuna Guddoomiyaha Gobolka Bakool uu u Magacaabay Maxamed Cabdi Maxamed (Tool) halka Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda uu u Magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa faray mas’uuliyiinta Cusub inay waajibaadkooda si wanaagsan u gutaan una adeegaan Bulshada mas’uuliyiinta looga dhigay.

Gobolka Bakool ee Maanta mas’uuliyiinta Cusub loo Magacaabay ayaa degmooyinkiisa waxaa muddo sanado ah ay u go’doonsan yihiin Al-Shabaab halka qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Baay ay mararka qaar ka dhacaan weeraro ay geystaan Al-Shabaab.

Verified by MonsterInsights