Madaxweyne Biixi scaled 1 - Wardeeq news

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Somaliland. Wareegtada Jasoo Baxday Madaxweynaha Somaliland ayaa u dhigneyd Sidan: Markaan Arkay: “Qodobka

90aad Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Somaliland.” Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/09/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista

Cafiska galaya Sannadkan 2024-ka; Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, kuna taariikhaysan 07/01/2024. Markaan La-Tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso. Waxaan Go’aamiyey! In laga

bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xiran, oo tiradoodu dhan tahay 413 (Afar Boqol, Saddex iyo Toban), maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda Madaniga ah iyo raadka

Verified by MonsterInsights