p0bjbgqz 780x470 1 - Wardeeq news

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/WM/222-892/062022 ku magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:  In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:    La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Siciid Xasan Habbane laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland.

Verified by MonsterInsights