Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku hanjabay inaysan deegaanadooda noqon doono meel dayacan, oo maleeshiyada Al Shabaab sida ay doonaan ka yeelaan.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in Shabaabku ay gabaad ka dhigtaan dhulka Hirshabelle, isla-markaana ay dagaal xaq ah la geli doonaan.
Madaxweynaha oo Axaddii ciidamada kula hadlay jiidda hore ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa maleeshiyadaasi ku eedeeyay in ay duulaan ku yihiin sida uu yiri nafteenna, maalkeenna iyo sharafkeenna, taasna ay ka dagaalamayaan.
“Waxaan idiin kaga mahadcelinaya dadaalkiina maalin Soonqaad iyadoo ah inaad difaac ugu jirtiin dadkiina, dalkiina iyo diintiina inaad difaacdaan waad ku mahadsan tihiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa raaciyay “Nimankan cadowga ah ee dalkan ku soo duulay soodin naga lama dhaxeyso, wax naga la dhaxeeyana ma jiraan. Waa duulaan, waxayna duulaan ku yihiin waa nafteenna, maalkeenna iyo sharafkeenna.”
Madaxweynaha ayaa sheegay in Shabaabku waxa ay wadaan aysan diin ahayn, balse ay u socdaan sida uu sheegay inay wax uun boobaan.
“Waxay sameynayaan waa takri-fal iyo inay yihiin kooxo burcad ah oo isugu yimid inay dadkan iyo dalkan boobaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo garabkiisa uu taagnaa Taliyaha Guutada 3aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Yuusuf.
Madaxweynaha ayaa Shabaabka ku cambaareeyay inaysan xitaa soomin, iyadoo bil Ramadan lagu jiro. Waxa kaloo uu sheegay inay dadka ka dhacayaan raashiinka iyo xoolaha nool ay haystaan, iyagoo markaasi gowracaya, si ay u cunaan.
“Waa koox u socdo inay ummaddan dhibaateeyaan, hadday sharaf tahay iyo hadday maal tahayba.” Ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe oo dhanka kale ciidamada xusuusiyay in qof aysan tiisa dhammaan aanu dhiman doonin, ayna ka wada qayb qaataan dagaalka uu ku sheegay inuu yahay mid xaq u dirir ah.
“Maanta xaq u dirir ayaa tihiin, naftiina iyo maalkiina ayaa duulaan lagu yahay oo loo yimid. Waa maalin Soon-qaad ninka raba inuu xoolahaaga cuno oo adigu aad ka soomaneyd, oo waajibkii Alle ku saaray aad uga soontay, ninka gurigaga inta uu galo badarkii bislaa inuu cuno rabo, kii ceyriinka ahaana inuu karsado rabo, neefka xoolaha u cayilana inuu qasho raba, kaas waa lagu jihaadaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.
Isaga oo sii hadlayay ayaa wuxuu yiri “Nin Islaamnimo sheeganayo ma samayn karo inuu maalin Soon-qaad yimaado oo guryo islaameed inta galo xoolahooda cuno.”
Madaxweyne Guudlaawe ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Ballanteennu waxay tahay inaan ka hortagno, dalkeenna, dadkeena iyo sharafkeenana aan ka didaacno.”