Xasan sheekh 2 1536x1095 1 - Wardeeq news

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka  diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu ambabaxo safar dalka dibadiisa ah tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May, hayeeshee kadib doorashadiisii uu booqday magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ee Galmudug & koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaadan doono madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal oo xumaa sanadihii la soo dhaaafay, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

Verified by MonsterInsights