Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay weerarkii tooska ahaa iyo qaraxyada ee ay shalay Al-Shabaab ka gaysteen hoteel ku yaalla magaalada Beledweyne, isagoo soo saaray dalab culus oo ku aadan xaaladda dalka.
Ugu horreyn Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay ehellada ay dadkooda ay ku dhinteen weerarkaas oo lagu beegsaday odayaal iyo saraakiil ku sugnaa hoteelka la weeraray, wuxuuna tilmaamay inuu murugada la qaybsanayo, maadaama ay ku waayeen xubno muhiim ah.
“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun Waxaan murugada iyo tacsida la qaybsanayaa ehelka iyo qaraabada dadkii birmo-geydada ahaa ee ku geeriyooday weerarkii arxandarrada ahaa ee argagixisadu ka gaysateen Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.
Sidoo kale wuxuu raaciyay “Muwaadiniinta kale ee dhaawaca nafeed iyo burburka hantiyeed uu soo gaarayna waxaan Alle u weydiinayaa bogsiimo degdeg ah iyo beddel khayr qaba”.
Intaas kadib Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalbaday in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan la dagaallanka argagixisada, si looga hortago falalka gurracan ee ay ka gaysanayaan gudaha dalka.
“Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ciribtirka cadawgan arxanka daran, si Soomaaliya ay u hesho nabad waarta, dadkeenuna ay ugu noolaadaan sharaf iyo qarannimo buuxda” ayuu sii raaciyay Farmaajo.
Waxaa kale oo uu yiri “Falakan arxan darrada ah waxa uu ka turjumayaa bahalnimada iyo cadowtinnimada ay argagixisadu u qabaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo caadaystay daadinta dhiigga xurmada leh ee shacabkeenna xilligan oo waliba lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan”.
Weerarka Beledweyne oo saacado qaatay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba nabadoon oo caan ka ah Galbeedka Beledweyne, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen weerar qarax ku billowday oo rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay saaka aroortii ku qaadeen hotelka Qaahira ee magaalada Beledweyne.
Wararka ka imanaya magaalada ayaa sheegaya in ilaa iyo caawa rasaas goos-goos ah laga maqlayay gudaha hotelka, halkaas oo ay hareereysan yihiin ciidamada dowladda, kuwa Jabuuti ee Hiil-Walaal, iyo ciidamo Itoobiyaan ah.
Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasoo mar kale dib ugu soo laabtay deegaannadii laga xoreeyay gobolladaasi oo hoos taga maamulka HirShabelle.
Beledweyne, oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Khawaarijta, ayaa waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo ay soo maleegeen Al-Shabaab, kuwaasoo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxan ayaa u muuqda mid lamid ah kuwii hore.