Wararka

Madaxweynihii Hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo – Hambalyo uu u diray Muwaadiniinta Soomaaliyeed Munaasabadda Ciidda”

Dhammaan umadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda barakaysan ee Fidriga, aniga oo Alle ka baryaya in uu naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aynu gudannay bishii Ramadaan.

Munaasabaddan farxadda Ciidul Fidriga waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna la tabaaleysan abaaraha, ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka.

 

Walaalayaal, waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu istaagno farxad-gelinta ubadka ay inooga tageen halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee u shahiiday difaaca dalka.

 

Ugu danbayntii, Eebbe waxaan ka baryayaa in uu ciiddan ciiddeeda nagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah. Ciid wanaagsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights