Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay qabashada doorashooyinka Soomaaliya,

0
84

doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya dhanka Koonfur Galbeed.

Diiwaan-gelinta musharraxiinta u taagan ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee afarta sano ee soo socota ayaa maanta ka bilaabaneyso gudaha magaalada Baydhabo, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka u qaabilsan dowlad goboleedka ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in doorashada shanta kursi ee ugu horreyso Aqalka Sare ee maamulkaasi la qabanayo labada bishan August oo ku beegan maalinta beri ah.

Sidoo kale liiska musharraxiinta uu soo gudbiyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ah toban musharrax oo afar ka mid ah ay yihiin haween, waxayna kala yihiin:- Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan, Dr. Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur, Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cusmaan lbraahim, Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) iyo Nuur Baabul Cadow, Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha muhiimka ah ee magaalada, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso doorashada.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii la soo dhaafay.

Dhinaca kale maamullada kale ee Galmudug, HirShabelle iyo Puntland ayaa looga fadhiyaa inay guda-galaan qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare, si looga faa’iideysto waqtiga yar ee ka haray qabashada doorashada 2021-ka oo soo martay marxalado kala duwan.

Doorashada Aqalka Sare, kadib ayaa waxaa sidoo kale la bilaabi doonaa tan Golaha Shacabka, waxaana kusii xigi doono sida uu qorshuhu yahay tan madaxweynaha.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here