maxresdefault 2 - Wardeeq news

Howlgal lagoso qabtey nin al shabaab Ciidamada Nabad-sugidda Koonfur Galbeed oo howlgallo ka sameeyay magaalada Baydhaba ayaa maanta gacanta kusoo dhigay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayay inuu gudaha u galo magaaladaasi.

Ciidanka ayaa ninkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ku qabtay bar koontarool oo laga ilaaliyo magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Cabdiraxmaan oo wareysi laga qaaday ayaa qirtay inuu ka tirsan kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay inuu tababar kusoo qaatay gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilliga la qabanayay mooto lagu keenay duleedka Baydhaba, isla markaana uu doonayay inuu gudaha usii galo magaaladaasi.

“Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ee ku Sugan barta kontroolka Dugaandug Ee Ciidanka ay ka ilaaliyaan Amniga Magaalada Baydhabo ayaa Gacanta kusoo dhigey Dhaqar-qabe Abdirahman Maxamed Xuseen oo khawaarijta katirsan isagoona rabay in uu si dhuumaalaysi ah kusoo galo Magaalada Baydhabo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Nabad-Sgidda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Saraakiisha ammaanka ayaa dhankooda sheegay in weli ay baaris ku hayaan eedeysanaha, ayna ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh.

Ammaanka Baydhaba ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay aad loo xoojiyay, waxaana ciidanka Daraawiishta iyo kuwa Nabad-Sugidda ay ka wadeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Baydhabo ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amni darro oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso halkaasi.

Verified by MonsterInsights