Mamulka Galmudug Oo Ciidamo Horleh Kala Dhaxdhigtay Beelo Ku Dagaalamayay Galgaduud

0
78

Maleeshiyaadkii ku Dagaalamayay Deegaanka Xanan-buure ee Gobolka Galgaduud oo  kasoo kala Jeeday Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa  Si toos ah loo kala qaaday iyadoo Ciidamo ka tirsan  Dowladda ay  gudaha u galay Xanan-buure oo ah halka uu dagaalku ka socday si ciidanku ay u Sugaan Amniga Deegaankaasi

Maleeshiyaad walaala ah ee dirirtu ku dhexmaratay Deegaanka xanan buure ayaa  isku hayay aanooyin qabiil  iyo deegaameysi waxaana marar dhowr ah ka dhacayay Deeganka Xananbuure ee gobolka galgaduud dilal la xariirtay anooyin qabiil

Wararka ayaa intaasi ku daraya in la ka  qaaday maleeshiyaadka xanbuure isku hayay, islamarkaasna wax garadka iyo nabadoonadu ay wadaan dadaalo lagu xalinayo dagaalkaan kusoo laablaabtay deegaanka

Mid ka mid ah nabadoonada ku sugan xananbure oo u waramay idaacada wardeeq ee muqdisho ayaa sheegay in hada ay soo gaareen xanan buure ciidamo ka tirsan dowlada si u joojiyaan dagaalka  maleeshiyaadka walaalaha ah ee isku horfadhiya xanan buure Xiisaduna ay sii socon

Ma ahan Markii ugu horeysay oo Ciidanka dowlada iyo kuwa galmudug ay soo dhexgalaan Xiisadaan dagaal ee Xananbuure ka taagan taasi oo kasoo laablaabta deegaanka

Iyadoona ciidanka dowlada ay sidaan oo kale udhaxgaleen maleeshiyaadkan ayna  kala qaadeen balse  ay isku soo laabteen markale xiisadooda daagalna halkoodii hore ku laabatay

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here