Maraykanka iyo xulafada NATO waxay xoojiyeen diblomaasiyadda ay ku riixayaan inay ka hortagaan ‘duulaanka danab’ ee Ruushka ee Ukraine .

0
184

Maraykanka iyo xulafada NATO waxay xoojiyeen diblomaasiyadda ay ku riixayaan inay ka hortagaan ‘duulaanka danab’ ee Ruushka ee Ukraine .

Madaxweyne Biden ayaa Isniintii qabtay wicitaan muuqaal ah oo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha Yurub si uu ugala hadlo dadaallada wadajirka ah ee lagu joojinayo gardarrada dheeraadka ah ee Kremlin-ka ee ka dhanka ah Kyiv, iyadoo ciidamada Ruushka ay si aad ah ugu soo badanayaan xuduuda Ukraine taasi oo keentay cabsida laga qabo duulaanka soo cusboonaaday. Hogaamiyayaasha – oo uu ku jiro Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson iyo saraakiisha ugu sareysa NATO iyo Midowga Yurub – ayaa ka hadlay rabitaankooda la xidhiidha in xal diblumaasiyadeed laga gaadho xiisadaha hadda jira,” sida lagu sheegay qoralka Aqalka Cad ee baaqa. Isbahaysiga milatariga reer galbeedka ayaa sheegay Isniintii in ay qalab milatari oo badan u guurayaan bariga Yurub, iyaga oo soo diraya maraakiib iyo diyaarado dagaal, si la mid ah maamulka Biden ayaa heegan sare galiyay 8,500 oo askari si ay ugu suurtagasho in la geeyo Yurub.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here