1200px Tiktok logo.svg 696x696 1 - Wardeeq news

Gudomiyaha  guddiga Isgaarsiinta dalka Mareykanka ayaa ku amray shirkadaha Google iyo Apple inay aalada TikTok hawadooda ka saaraan sababo la xiriira amniga awgeed.

Gudoomiyaha ayaa sheegtay in lagu amray in ugu dambeyn 8-da July amarkaas fuliyaan

Apple iyo Google isla markiiba kama aysan jawaabin amarkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka balse warbixin ay soo saartay Tiktok ayaa lagu sheegay in shirkadda aysan ka shaqeyn waxyaabo amniga halis ku ah, islamarkaana haddallada Mareykanka ay yihiin marin habaabin ah.

“Sida shirkado badan oo caalami ah, TikTok waxay leedahay kooxo injineero ah oo adduunka ah, shirkadda waxay ilaalisaa xogta dadka isticmaala” ayaa lagu yiri warbixinta.

Wadamo badan ayaa horay dalkooda ka mamnuucay aalada TikTok iyadoo la aaminsanyahay inay tahay qaab farsameysan oo xogta gaarka ah ah ee qofka (personal data), lagu ogaan karo.

Verified by MonsterInsights