Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay yeelaneyso xarun laga tuuro Dayax-Gacmeedka, taas oo uu hadda socdo dhismaheeda, waxaana ku howlan dowladda Turkiga oo kamid ah saaxibada ay leedahay dowladda federaalka. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Talaadadii khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho
ayaa xaqiijiyay in haatan gudaha dalka uu ka socdo mashruuc wayen oo lagu dhisayo saldhig laga gano Dayax-Gacmeedka, kaas oo ay ku bixi doonto balaayiin dollar. “Dalkeenna waxaa laga dhisayaa oo hadda ka socda saldhig Dayax-Gacmeedka laga tuuro, waana masharuux ay ku bixeyso dhowr bilyan oo dollar” ayuu Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhismaha saldhiggan ay faa’iidi wayn ugu jirto Soomaaliya, isla markaana laga heli doono aqoon iyo shaqo abuur, uuna sidoo kale kor u qaado magaca Somalia