Wararka naga soo gaaraya koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta lagu soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenkii gobolka ee Somaliland jaamac Maxamuud Warsame, kaas oo kasoo goostay maamulka Hargeysa. Jaamac Maxamuud ayaa saaka soo gaaray degmada Fiqifuliye ee koonfurta Sanaag,
halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, maadama ay joogaan ciidanka SSC-Khaatumo. Mas’uulkan ayaa sidoo kale lasoo goostay laba baabuur oo mid qori saaranyahay. Kuwaas oo ay lahayd Somaliland oo weli dagaal kula jirta SSC.-Khaatumo Guddoomiye ku xigeenka oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxayna sheegay in
markii horeba uu ahaa, haddana dadkiisii u yimid. “Quluubta ayaynu marwalba ka wada joognay inyar uunbaynu kala maqnayn, soo dhawayntiina waan idiinka mahadnaqayaa marlabaad iyo mar saddexaad, Fadhiga ayaynu