1646416015647 - Wardeeq news

Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada JSL iyo Saraakiil Xisbiga ah ayaa galabta Hotel-ka Ramada oo ku yaalla degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa kulan wada shaahayn iyo is xaal waraysi ah kula qaatay dhallinyarada, Aqoonyahanka iyo waxgaradka.

Aqoonyahanka iyo waxgaradka ayaa madaxda Xisbiga WADDANI uga xog warramay xaaladda deegaannada ay ka soo jeedaan iyo baahiyaha ka jira isla markaana muujiyay dareenkooda isbeddel doon iyo taageeradooda ay Xisbiga WADDANI u hayaan.

Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ayaa kulanka ka jeediyay warbixinno taabanayay xaaladda siyaasadda iyo nololeed ee Somaliland, isla markaana waxgaradka iyo dhallinyarada qaabishay ku boorriyay in ay door weyn ku yeeshaan isbeddel doonka dalka ka socda ee lagu xaqiijinayo in Xisbiga WADDANI hoggaanka talada dalka qabto.

Verified by MonsterInsights