Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Danjiraha Turkiga iyo Madaxweyne Laftagareen

Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Danjiraha Turkiga iyo Madaxweyne Laftagareen

Warar aan ka helnay ilo ku dhow xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in shalay aroortii, xilli ay socotay diyaargarowga doorashada maamulka Koonfur Galbeed, uu xiriir telefoon la sameeyay Danjiraha Turkiga ee Muqdisho Alper Aktaşa.

 

Danjire Alper Aktaşa ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ka codsaday inuu aqbalo wada-hadal lagu dhexdhexaadinayo isaga iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si xal looga gaaro khilaafka sii xoogeysanaya.

 

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in Madaxweyne Laftagareen uu si xushmad leh uga cudurdaartay dalabkaasi, isagoo sheegay in marxaladda hadda lagu jiro ay tahay mid doorasho, islamarkaana aanu waqtigan ku habboonayn wada-hadal siyaasadeed.

 

Laftagareen ayaa xusay inuu diyaar u yahay wada-hadal ka dib marka doorashadu soo idlaato, isagoo caddeeyay in haddii uu isagu mar kale guuleysto uu noqon doono mas’uulka lala xaajoonayo, halka haddii hoggaan cusub la doorto, wada-hadallada lala geli doono madaxweynaha cusub ee xilka qabta.

 

Doorashada ayaa shalay subax lagu doortay guddoonka baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha, iyadoo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu ku guuleystay 66 cod.

 

Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmahan sii xoogeysanayay, waxaana uu isu beddelay iska horimaadyo toos ah oo ka dhacay deegaanno dhowr ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda federaalka, oo ay ku jiraan kuwa gaarka ah ee Turkigu tababaray sida Gorgor iyo Haramcad, la geeyay degmooyin ay ka mid yihiin Baraawe, Buurhakaba, Waajid, Bardaale iyo Xudur, kuwaas oo intooda badan laga saaray gacanta maamulka Koonfur Galbeed.

 

Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta si kulul ugu eedeeyay dowladda Turkiga inay door muuqda ku leedahay howlgallada ka socda deegaannadooda, iyagoo sheegay in la adeegsanayo hub, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo ciidamo uu Turkigu tababaray.

 

Xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa weli cirka isku sii shareereysa, iyadoo dadaallada dhexdhexaadinta caalamiga ah ay u muuqdaan kuwo aan weli miro dhalin.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *