Jawari - Wardeeq news

Allaha u naxariiste waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jaeaari.

Geerida Jawaari ayaa waxaa xaqiijiyey qaar kamid ah qoyskiisa. Waxaana ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid guddoomiyihii hore ee golaha shacabka madaxda sare ee dalka, oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee marxuumka uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo isna tacsi u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay Allaha u naxariistee Prof. Jawaari ayaa sheegay in qaranka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu maanta ka baxay tiir aad muhiim ugu ahaa dowlad dhiska Soomaaliyeed.

Waxa u uku tilmaamay Marxuum Jawaari in uu ahaa siyaasi waayo arag ah oo muddo ka badan 60 sano ka soo shaqeeyay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay ku gaamurtay maamul dowladnimo oo dhameystiran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka uga baryay Allaah (SWT) in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.

Verified by MonsterInsights