Rooble 1 - Wardeeq news

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay qarixii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u tacsiyeeyay qoysaska dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, isaga oo dhaawacana u rajeeyay in uu eebe bogsiiyo.

“Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisadu maanta ka geysteen Beledweyne oo ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad aan waxba galabsan.Waxaan u tacsiyeynayaa ehelada dadkii dhibtu gaartay. Allaha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacyadana Eebbe ha bogsiiyo” ayuu yiri Rooble.

Booliiska Beledwayne ayaa sheegay in 13 oo isugu jira Musharixiin u taagnaa Doorashada Golaha Shacabka, Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah ay ku geeriyoodeen qaraxaasi, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Mas’uuliyadda weerarka waxaa sheegtaye Al-shabaab.

Verified by MonsterInsights