FB IMG 1650517455658 - Wardeeq news

Ilhaan Cumar ayaa la kulantay hoggaamiyaasha Pakistan iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan kadib booqasho ay ku tagtay dalkaas.

Waa booqashadii ugu horeysay ee xubin ka tirsan Congress-ka Mareykanka tan iyo markii dowladda cusub ay xukunka la wareegtay toddobaadkii hore, kadib markii Khan xilka laga tuuray.

Ilhan ayaa Sidoo kale la kulantay Ra’isul Wasaaraha cusub Shahbaz Sharif iyo madaxweynaha Pakistan Arif Alvi, iyada oo kala hadashay xoojinta xiriirka Pakistaan iyo Mareykanka.

Verified by MonsterInsights