Maxkamada ciidamada oo xukun ku riday dad ku eedeysan dil iyo qaraxyo.

0
219

Maxkmadda Ciidamada qalabka sidda ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday rag lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin kooxda Al-Shabaab kuwaa oo losoo qabtay iyagoo tuurayo bam gacmeed nuuca loo yaqaan F1- A.

Cabdi Xasan booble Maxamed, Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar Iyo Mucaad Maxamuud Maxamed ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil toogashoah & Xabsi min 15-sano ah, ka gadaal markii lagu helay dambiyadii lagu soo edeeyay.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed ayaa maxkamaddu ku xukumay Dil-toogasha ah, kadib markii ay Maxkamadda ku heshay dilka Allaha Unaxariistee Marxuum Cali Maxamed Xasan “Cali Gaab” oo ka tirsanaa wasaaradda Gaadiidka, dilkaasi oo ka dhacay Wadajir gaar ahaan Xaawo taako February 20-keedii Sanadkan.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Sedaxda kale waxa ay ku xukuntay Min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxkamaddu waxa ay sheegtay I’m Dhammaan afarta Eedeysane ay mar qura kuwada tuuray Bam F1- AH saldhigyada Warta-Nabadda, Howl-Wadaag, Hodan & Yaaqshiid, February Sanadkan 22-keedii, xilligaasi oo mar Qura gacanta ay ku dhigeen Boliiska Soomaaliya.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here