Maxkamada degmada Gaalkacyo oo xukun adag ku ridday saddex ruux

0
65

Maxkamada darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ee Puntland ayaa xukun isugu jira ganaax lacageed iyo xabsi ku riday saddax ruux oo ku eedeeysnaa ka ganacsiga qamriga kuwaas oo ay ciidamada amniga Puntland kasoo qabteen Dagmada Jarriiban ee gobalka Mudug.

Xeer ilaaliyaha gobalka Mudug ee Puntland Cabdifitaax Maxamed Aadan ayaa maxkamada ka hor akhriyay eedeeymaha loo heysto sadaxda dhalinyaradaa ee maxkamda la horkeenay
eedeeysanyaasha oo maxkamada horteeda ka hadlay ayaa qirtay in ay galeen danbiga lagu soo eedeeyay iyagoona codsaday in xukunkooda loo khafiifiyo.

Intaasi kadib gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee dagmada Gaalkacyo Cabdinaasir Maxamed Cali ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamada sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta gobalka Mudug ayaa maxkamada darajada koowaad ee gobalka Mudug horkeenay saddax eedeeysane kuwaas oo ay xeer ilaalintu kusoo eedeeysay in fal kufsi ah ay ka geysteen deegaanka Bacaadweyn ee dagmada Galkacyo ee Puntland iyadoona xeer ilaaliyaha maxkamada gobalka Mudug Cabdifitaax Maxamed Aadan uu soo oogay kiiska loo heysto.

Dood dheer kadib gaba-gabadii gudoomiyaha maxakamada darajada koowaad ee dagmada Gaalkacyo cabdi naasir maxamed cali uu ku dhawaaqay xukunka iyadoona lagu xukumay dil toogasho ah.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here