dill 1 - Wardeeq news

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, kuwaa oo horey maxkamadda  ugu heshay in dilal kala duwan ka geesteen  magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, fagaare kuyaalla magaalada Kismaayo ayaana xukunka dilka ah lagula fuliyay raggan lagu helay in ay katirsanaayeen kooxda Al-Shabaab ayna geesteen dilal, waxaana goobta dilka ka dhacayay ku sugnaa saraakiil ciidan iyo qeybo kamid ah bulshada magaalada.

Raggan saakay la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Abukar Deerow iyo Cismaan Maxamed Mursal ayaa lagu helay in ay dileen  marxuum Sheekh Cumar Maxamed Daahir, halka Maxamed Ibraahim Cali iyo Ilyaas Maxamed Xassan oo iyaguna lagu helay in ay dileen Marxuum Sheekh Cabdullaahi Dalab, sidoo kale  Ugaas Aadan Maxamed Geedi ayaa isna maxkamadda ku heshay in qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka geestay duleedka Kismaayo.

Shantan nin ee xukunka dilka ah saakay lagu fuliyay waxaa ku jiray Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo katirsanaa waxgaradka deegaannada Jubbaland, ninkan ayaana lagu helay in uu katirsanaa waxgaradka la shaqeeya Al Shabaab, sidoo kale qaraxyada maleegi jiray.

Dhanka kale, xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa sheegay in raggan saakay xukunka dilka ah lagu fuliyay horey u geesteen dilal kala duwan, waxa uuna xusay in laga fuliyay qisaasta dilalkii iyo dhibataoiiyinkii kale ay shacabka u geesteen.

Ugudambeyn, maamulka Jubbaland ayaa marar badan xukunno dil ah ku fuliyay xubno lagu helay in ay katirsan yihiin  Al Shabaab , kuwaa oo lagu helay in ay geesteen dilal iyo qaraxyo, waxaa sidoo kale xabsiyada Jubbaland ku xiran xubno kale oo Al Shabaab katirsan.

Verified by MonsterInsights