- Wardeeq news

Puntland ayaa xukuno isugu jira xabsi iyo dil toogasho ku riday afar dhalinyaro ah kuwaasoo lagu eedeeyay dilka AUN wariye Jamaal Faarax Aadan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Shaqsiyaadka la xukumay waxaa kamid ah Cabdiqani Sayloor oo aad u isticmaali jiray baraha bulshadda sanad ka horna la xiray.

Xukunsanaha waxaa uu qirtay in uu fal dambiyeed kasta oo khaarijin ah ku qaadan jiray $50 doolarka Mareykanka ah.

Mar 1, 2021-kii ayaa Magaaladda Gaalkacyo lagu dilay Wariye Jamaal Faarax aadan,waxaana dilkiisa sheegtay dagaalyhanadda Al-shabaab.

Wariye farxaan yuusuf Timcade

Wardeeq news

Verified by MonsterInsights