FB IMG 1650354720218 720x470 1 - Wardeeq news

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta go,aan ka gaartay dacwadda kursiga HOP#086 kaas oo uu u gudbiyay lataliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Farmaajo sidoo kalena ahaa Agaasimihii xilka laga qaaday ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay inay diiday dacwad qaadista Kursiga Hop#086 kaas oo uu Beledweyne kasoo qaatay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyadoo sabab uga dhigtay go,aankeeda inuu lidi ku yahay go,aankii kasoo baxay Guddiga doorashooyinka ee FEIT.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa tilmaamtay inay aqbashay hor istaagga xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka kaas oo matalayay Guddiga FEIT islamarkaana uu ka hor sheegay in aysan Maxkamadda Sare ay awood u lahayn ka garnaqidda cabashooyinka la xiriira doorashada dadban ee baarlamaanka 11-aad.

Qararka kasoo baxay Maxkamadda Sare ee dalka waxaa ku saxiixnaa saddex garsoore oo kala ah Baashe Yuusuf Axmed Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe iyo Cabdicasiis Maxamed Yuuusuf.

Hoos ka akhriso:

IMG 20220420 WA0001 - Wardeeq news
IMG 20220420 WA0002 - Wardeeq news
IMG 20220420 WA0003 - Wardeeq news
IMG 20220420 WA0004 - Wardeeq news
IMG 20220420 WA0005 - Wardeeq news
IMG 20220420 WA0000 - Wardeeq news
Verified by MonsterInsights