Mudaaharaadyadii iyo rabshadihii ka dambeeyay ee Kazakhstan todobaadkii hore ayaa noqday mid lama filaan ah. Maalmo ka dib markii boqolaal mudaaharaadayaal ahi ay isu soo bax lagaga soo horjeeday qiimaha shidaalka oo sare u kacay magaalada Zhanaozen ee galbeedka ku taal, mudaaharaadyadu waxay si xawli ah ugu soo qul qulayeen magaalooyin kale, halkaas oo lagu wadaagay cabashooyin kala duwan oo dhaqan-dhaqaale.