Tirada dadka ku dhintay dalka Sudan mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday afgambiga tan iyo markii milatarigu la wareegay bishii hore ayaa gaadhay ugu yaraan 40, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen, ka dib markii wiil dhalinyaro ah oo madaxa laga toogtay maalmo ka hor uu dhintay. Jeneraalka ugu sarreeya Suudaan Abdel Fattah al-Burhan 25-kii Oktoobar wuxuu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, wuxuu kala diray dowladdii ku-meel-gaarka ahayd wuxuuna xiray hoggaanka rayidka.