Muqdisho oo Kacsan: Banaanbaxyo La Filayo iyo Siyaasad Qarka U Saaran Isbeddel

Muqdisho oo Kacsan: Banaanbaxyo La Filayo iyo Siyaasad Qarka U Saaran Isbeddel

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa gashay weji cusub oo xasaasi ah, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ay ka dhex bilowdeen qaar kamid ah xubnaha saami-wadaagga ah, kuwaas oo qorsheynaya kulamo iyo abaabul ka hor 15-ka May. Ilo xog-ogaal ah ayaa u xaqiijiyay wardeeq news in abaabulkaasi uu si hoose uga socdo gudaha kooxaha ay xubnuhu metelaan.

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud uu saacadihii u dambeeyay dadaal ku bixiyay sidii uu ula xiriiri lahaa xubnaha mucaaradka, isaga oo doonayay inuu qabto kulamo is-afgarad ah, qaarna lagu tilmaamay kuwo si gaar ah loo agaasimay. Si kastaba, isku dayadaasi ma aysan guuleysan, mana suurta gelin kulamo furan ama kedis ah sidii la rabay.

 

Dhanka kale, waxaa sii kordhaya cabashooyinka la xiriira arrimaha dhulka ee ka taagan Mogadishu, halkaas oo dad haysta dukumentiyo hore lagu wargeliyay in dib-u-eegis lagu sameynayo lahaanshahooda. Qaar kamid ah dadkaasi ayaa lagu xiray shuruudo dhaqaale oo culus, taas oo keeni karta caro bulsho iyo falcelin hor leh.

 

Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in madaxweynuhu walaac ka qabo suuragalnimada banaanbaxyo ka dhaca caasimadda, inkastoo uu hore u sheegay in amniga Muqdisho la xakameeyay. Waxaa jira cabsi ah in haddii ay dhacaan isu soo baxyo waaweyn, ay saameyn ku yeelan karaan xasilloonida siyaasadeed iyo maamulka.

 

Xogta ay heshay wardeeq news ayaa sidoo kale muujineysa in madaxweynuhu hadda diiradda saarayo maaraynta cabashooyinka dhulka, xoojinta xiriirrada siyaasadeed ee gobollada sida Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhabo, iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyo mucaarad oo sababi kara xaalad amni darro wixii ka dambeeya 15-ka May.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights