Muqdisho oo Marti-gelisay Kulamo Gaar Gaar ah oo u Dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Mucaaradka ah ayaa kulamo gaar gaar ah ka wada Magaalada Muqdisho, waxa ay uga arrinsanayaan fadhiyadaan shirka u dhaxeeya ee lagu wado in uu dhowaan furmo.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa weli ku guda jira Booqashada Xubnaha Mucaaradka ah ee isugu jira Madaxdii hore iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland & Jubbaland.

 

Xamsa ayaa mas’uuliyiintaan Mucaaradka si hordhac ah ugala hadlay xaaladda Siyaasadeed ee Dalka, wadahadalka la qorshaynayo iyo waxyaabaha laga filan karo maadaama Dowladda Federaalka ay dhigtay gogosha wadaxaajoodka.

 

Xubnaha Mucaaradka waxa ay dhankooda wadaan kulamo dhexdooda ah oo ay uga arrinsanayaan qodobada ay la shirtagi karaan iyo qaabka ay uga xaltami karaan haddii uu culays siyaasadeed uga yimaado dhinaca wadahadalkaas.

 

La soco wixii kasoo kordha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *