20220202 110226 - Wardeeq news

Musharaxa jagada Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa hambalyo diray Sanad guurada 28 aad ee Aaska aaska Ciidamada qaranka Somaliland:-

“Waxa aan hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa dhammaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda 28-tan guuradooda laga joogo maalintii la aasaasay Ciidanka Qaranka oo difaac iyo deyrba u noqday Qarankeenna JSL.

Waxa aan sida oo kale hambalyo u dirayaa dhammaan Taliyayaasha Ciidanka kala duwan ee hoggaanka u haya Ciidanka, saraakiisha, saraakiil-xigeennada, qoysaskooda, ubadkooda iyo naafada Ciidanka Qaranka oo aan leeyahay samo ku waara.

Waxa aan u rejaynayaa Ciidan weynaha Qaranka Somaliland in sannadkan sannadkiisa ay ku gaadhaan nabad & xasillooni. #Hambalyo28.”.

Verified by MonsterInsights